Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa saxiixay amar cusub oo mamnuucaya gelitaanka muwaadiniinta ka soo jeeda 12 dal oo uu ku jiro Soomaaliya, isaga oo ku sababeeyay in tallaabadan lagama maarmaan u tahay ilaalinta dalka Maraykanka “argagixisada ajnabiga ah” iyo khataraha kale ee amni.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah ololaha adag ee ka dhanka ah socdaalka ee uu Trump bilaabay marka uu galay muddo-xileedkiisa labaad. Waxa sidoo kale qayb ka ahayd masaafurinta boqolaal muwaadiniin reer Venezuela ah oo loo haysto xiriir ay la leeyihiin kooxaha burcad-badeedda, iyo dadaallo lagu diidayo in qaar ka mid ah ardayda ajnabiga ah ay iska diiwaangeliyaan jaamacadaha Maraykanka.
Dalalka ay saameynayso mamnuucidda buuxda ee socdaalka waa:- Afghanistan, Myanmar, Chad, Congo, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Libya, Somalia, Sudan, iyo Yemen.
Trump ayaa ku sheegay muuqaal uu soo dhigay baraha bulshada in “Maraykanku uusan oggolaan doonin cid ujeedadeedu tahay in ay dhibaato u geyso shacabka.” Waxa uu intaa ku daray in liiskaan la cusbooneysiin karo, lana dari karo dalal kale haddii loo baahdo.
Amarka mamnuucidda socdaalka ayaa dhaqan galaya 9-ka Juun 2025, saqda dhexe waqtiga Maraykanka (12:01am EDT). Fiisayaashii horey loo bixiyay kahor taariikhdan lama burinayo, sida lagu sheegay amar ka soo baxay Aqalka Cad.
Madaxweyne hore Joe Biden, oo xisbiga Dimuqraadiga ah ka tirsanaa, ayaa 2021-kii buriyay xayiraaddii Trump horey u saaray muwaadiniinta dalal Muslimiin ah oo ay ku jirayeen Iran, Libya, Somalia, Syria iyo Yemen, isagoo xilligaas ku tilmaamay in ay ahayd sumcad darro qaran.