Soomaaliya oo si rasmi ah loogu doortay xubinnimada UN-Habitat

11

owladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu doortay xubinimada UN-Habitat waxaana ay Soomaaliya ay afarta sano ee soo socota qayb ka ahaan doonta Golaha Fulinta ee UN-Habitat, oo ah hay’adda ugu sarreysa ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dejinta iyo magaalooyinka.

Doorashadan waxay muujinaysaa doorka muhiimka ah ee ay Soomaaliya ka ciyaarayso goleyaasha caalamiga ah iyo diblomaasiyadda xooggan ee dalka, iyada oo ku xoojinaysa ka-qaybgalkeeda dadaallada caalamiga ah, Arrintan sidoo kale waxa ay ka tarjumaysaa kalsoonida sii kordheysa ee ay beesha caalamka ku qabto doorka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, iyo guud ahaan doorka hay’adaha dowliga ah ee Dalka.

Doorashadaan waxa ay Soomaaliya u ogolaaneysaa in ay si toos ah u kormeeri doonto, dardar gelin doonto, una hubin doonto in dhammaan deeqaha iyo mashaariicda ay dunidu ugu talagashay UN-Habitat loo waafajiyo axdiyada iyo yoolalka hay’adda.
Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa uga mahadceliyay Danjire Jabriil oo udub dhexaad u ahaa dadaallada joogtada ah ee sanadkii la soo dhaafay lagu xaqiijinayay himiladan, isagoo xusay in dowladdu ay ka faa’iidaysan doonto fursadaha horumarineed ee ay bixiso hay’addan caalamiga ah.
“Guushan ay Soomaaliya gaartay waxaan uga mahadcelinaya Safiir Jabriil oo si aad ah uga soo shaqeeyay, saaxiibadiisa Safiirada kalena ka gaday aragtida Soomaaliya, waxaana naloo doortay inaan ka mid noqono Executive Board ka oo uu noo fadhiisan doono Safiir Jabriil , tani waxa ay ka mid tahay guulaha ay dowladda Soomaaliya ku talaabsaneyso”. Ayuu yiri Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jibriil Ibrahim Cabdulle ayaa shaaciyay inay tahay guul u soo hooyatay dhamaan shacabka Soomaaliyeed in Dowladda Soomaaliya ay xubin buuxdo ka noqoto Golaha Fulinta ee hay’adda UN-Habitat, isagoo uga mahadceliyay dowladihii codka siiyay Soomaaliya.

“Soomaaliya inay xubin muhim ah oo ah (Executive Board) Golaha Fulinta ka noqoto Hay’adda UN-Habitat waxa ay qeyb ka tahay talaabooyinka horumarka leh ee ay dowladda Soomaaliya ku talaabsaneyso, waxaana guushan noo fududeeyay shirkii aan horaanta sanadkii tegay ay Soomaaliya guddoomineysay, ee la xiriira Safiirada Afrika ee fadhigoodu yahay dalkan Kenya, halkaasi oo aan fariinteena ku soo gudbinay” ayuu jiri Danjire Jibriil.

Soomaaliya waxa ay fursad u heli doontaa inay si toos ah uga qayb qaadato go’aan ka gaarista siyaasadaha iyo jihaynta horumarka magaalooyinka caalamka.