Inta la xaqiijiyay in Seddex qof ayaa geeriyootay halka lix kale ay dhaawacyo culus soo gaareen, kaddib markii uu dumay dhisme uu shaqadiisu ka socotay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in birihii shubka ee lagu dhisayey guriga ay go’een, taasi oo keentay in dhismuhu si lama filaan ah u dumay, iyada oo ay shaqaale badan ku sugnaayeen gudaha guriga xilligaas.
Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in xaaladoodu ay tahay mid aad u daran, maadaama ay ku hoos jireen burburka dhismaha muddo dheer.
Dhacdadan ayaa mar kale muujinaysa halista ka jirta tayada liidata ee dhismayaasha laga wado magaalada Muqdisho, iyadoo aysan jirin hay’ad dowladeed ama maamul deegaanka ah oo si dhab ah u kormeera ama u qiimeya amniga iyo tayada dhismayaasha.
Tani ma ahan markii ugu horreysay ee dhisme ku dumay magaalada, waxaana horey u dhacay shilal la mid ah kuwan oo kale, iyagoona sababay khasaare naf iyo maalba leh.