Xamaas ayaa sheegay in hindise xabbad-joojin ah oo laga sameeyo Gaza oo ay Israa’iil ogolaatay in aysan ku jirin dammaanad qaadka in xabbad joojintu ay horseedi karto xabbad-joojin joogto ah
Afhayeenku waxa uu sheegay in ay ka hor imanayso wadahadal ay Xamaas la yeelatay saraakiisha Maraykanka.
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa Khamiistii sheegay in Israa’iil ay “saxiixday” qorshaha ergayga Mareykanka Steve Witkoff, isla markaana ay jawaab rasmi ah ka sugayaan Xamaas.
Si kastaba ha ahaatee, sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa markii dambe sheegay in heshiisku uu ka hor imanayo wada-hadalladii hore ee u dhexeeyey wada-xaajoodayaasha kooxda iyo Witkoff islamarkana ay diideen.