Waxaa galinkii dambe ee Shalay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya soo gaaray wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminaayay Taliyaha ciidanka Milatariga dowladda Talyaaniga Jeneraal Luciano Portolano.
Wafdigaan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si diiran ugu soo dhaweeyay Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka ahna ku simaha Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Maadey Nuurey Sheekh iyo saraakiil kale.
Soo dhaweyn kadib labada dhinac ayaa ka wadahadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada ciidan ee dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Jeneraal Luciano ayaa ugu horeyn si weyn u bogaadiyey guulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ee lagu xaqiinijaayo amniga guud ee Soomaaliya.
Taliyaha ciidanka Militariga dowladda Talyaaniga ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay in ciidamada Soomaaliya ka caawiso dhinacyada tababarada iyo is dhaafsiga khibradaha dagaalka.
Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ahna ku simaha Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Maadey Nuurey Sheekh ayaa dhankiisa uga mahadceliyay booqashada ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho wafdigaan sare ee ka socda dowladda Talyaaniga iyo garab istaagooda ku aadan tayenta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii Taliyaha ciidanka Milatariga dowladda Talyaaniga jeneraal Luciano Portolano ayaa lagu wada mudado uu joogo magaalada Muqdisho inuu kulamo la qaato madaxda sare ee dowladda Fedaraalka iyo saraakiisha kale ciidanka.