Sheekh Shariif“Shacabka Kaxda Waxaa Lagu Hayaa Cadaadis Iyo Takoor”

6

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ugu hadlay hanaanka dowladda Soomaaliya ay u wajahday diiwaan-gelinta codbixiyayaasha dadweynaha ee ka socda degmooyinka gobolka Banaadir gaar ahaan khilaaf arintaas ka dhashay oo ka taagan degmada Kaxda.

“Waxaa nasiib darro ah hab-dhaqanka madaxda dowladda Federaalka ah ee lagu kala soocayo bulshada caasimadda islamarkaana laga isaga horkeenayo iyadoo qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho meesha laga saarayo sida Degmada Kaxda oo ay dadkeedu ka mid yihiin canshuur bixiyaasha dowladda.” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Waxaan sidoo kale cambaaraynayaa in shacabka Degmada Kaxda oo la ogyahay in loo diidanyahay xaquuqdooda degmanimo, haddana loogu daray cadaadis bulsho iyo in la rabo in qori caarradiis loogu qasbo isdiiwaangalin hubeysan iyo geedi-socod doorasho oo hal dhinac ah.

Waxaan mar walba garab taaganahay xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin ka qaybgalka doorashooyin xor iyo xalaal ah oo loo simanyahay.

Waxaan dhinaca kale uga digayaa guddiga doorashooyinka lagu muransanyahay inay ka waantoobaan cadaadiska ay saarayaan shacabka caasimadda oo hadda ay muuqato in lagu qasbayo hannnaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn.