Kenya oo diiday in Soomaaliland ay xafiis ka furato Nairobi

7

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xafiis diblomaasiyadeed oo ay Somaliland ka furanayso magaalada Nairobi uusan haysan oggolaansho rasmi ah.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay soo dhawaynayso dib-u-casriyayn lagu sameeyay xafiiska wakiilka Somaliland ee Nairobi, balse waxa ay tilmaantay in xafiiskaas loo beddelay mid diblomaasiyadeed, taas oo aanay dowladda Kenya oggolayn maadaama aan oggolaansho laga haysan.

“Kenya waxay hoosta ka xarriiqaysaa walaaca ay ka qabto munaasabadda la qorsheeyay 27-ka May, taasoo aan oggolaansho ka haysan Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Heerka xafiis diblomaasiyadeed ma haysan oggolaansho, lamana oggolaan karo in sidan lagu sii wado,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay dowladda Kenya.

Xafiiskan ayaa la sameeyay dhisme cusub, waxaana lagu waday in maanta  27-ka May uu furo Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Cirro oo hadda ku sugan Dalkaasi.