Madaxweynaha Soomaaliland oo u safray Nairobi, kulanna la qaadanaya William Ruto

5

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Safar kale ugu dhoofay magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

War kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in safarka madaxweynaha uu daaran yahay wadahadallo uu la yeelanayo Madaxweynaha Kenya, William Ruto, iyo madaxda kale ee dowladda Kenya.

Labada dhinac ayaa lagu wadaa inay ka wada hadlaan arrimo muhiim ah oo la xiriira xaaladda guud ee Geeska Afrika, nabadgelyada, iyo iskaashiga labada dhinac.

Intaa waxaa dheer, Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale kulamo gaar ah la yeelan doona qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah iyo safaaradaha waddamada caalamka ee ku sugan magaalada Nairobi.