Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa maanta sheegay in Madaxdii hore ee dalka Soomaaliya soo xukuntay ay qeyb ka yihiin gogoshada uu horey ugu dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya ee xalka looga gaarayo siyaasadda dalka.
Wasiirka ayaa ka dhawaajiyay in dadka Soomaaliyeed ay siweyn ay isku weydiinayeen cidda ka qeyb galaysa Gogosha uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu tilmaamay inay u arkeen inay qabtaan gogosha weyn mid ka horeeysa oo gogol hor dhac u ah gogoshada weyn oo la doonayo in madaxda Qaranka horey usoo martay ay ka qeyb galaan.
Waxa uu sidoo kale xusay maamulada maqan sida Puntland iyo Jubbaland oo uu tilmaamay in loo baahan yahay taladooda arrintaan gogosha ku saabsan, si lamid ah taladooda loo baahan yahay Madaxdii hore ee dalkaan wax ka soo maamulay sida Madaxweynenayaal iyo Ra’iisalwasarayaal hore, marka kooxahaasi kala duwan la isku dubarido wixii kayimaada ayaa tagi doona gogoshada weyn ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu iclaamiyay.
Hadalkaan waxa uu Wasiir Cali Balcad ka sheegay in Shir ballaaran oo u dhaxeeya Ururrada Siyaasadda ee diiwaangashan iyo Xukuumadda Soomaaliya uga furmay Muqdisho, waxaana ka qeyb galay madax sare oo ka socoto hay’adaha kala duwan ee Dowladda.