Maxay ka wadahadleen Lafta Gareen iyo Madaxa Hay’adda UNICEF?.

4

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya Marwo Wafaa Alfadil oo Waqtigeeda Joogista Soomaaliya ka dhamaaday

Madaxweyne Laftagareen ayaa Marwo Wafaa ugu Mahadceliyey Mudadii Soomaaliya ay joogtay wada shaqaynta ay Wada dhaxmartay waxaana uu Tilmaamay in Qofka Bedelaya uu sii Amba qaadi doono Howlaha shaqo ee Hay’adda Unicef ay kawada Guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed.

kulanka Waxaa Madaxweynaha ku Wehlinayey Wasiirka Qorshaynta Mudane Cabdixakiin Xaaji Fiqi, Wasiirka Dhalinyarada Mudane Salman Shucayb Cali, Agaasimaha Guud Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Mahad Cabdiraxmaan iyo Gudoomiyaha Gobolka Baay Mudane Cali Wardheere.