Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in liiska Ciidanka ka saareyso Ilaalada siyaasiyiinta Mucaaradka

6

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay liiska ciidanka ka saareyso dhammaan ciidamada ilaalada u ah qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee lagu arkay magaalada Muqdisho, kuwaas oo shalay si weyn u galbinayay mas’uuliyiinta mucaarad ah.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Cumar Cali Cabdi, oo warbaahinta la hadlay , ayaa caddeeyay in go’aankan uu yahay mid lagu adkeynayo kala dambeynta ciidamada qalabka sida iyo ilaalinta xeerarka u degsan adeegsiga ciidanka qaranka.

“Ciidamada qalabka sida waa in aysan qeyb ka noqon arrimo siyaasadeed, loona adeegsan si waafaqsan dastuurka iyo sharciga ciidanka,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha.

Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo ay soo kordhayaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo abaabul mucaarad oo ka socda magaalada Muqdisho, taasoo sare u qaaday xiisadda u dhexeysa dowladda iyo qaar ka mid ah mucaaradka.

Dowladda ayaa sidoo kale uga digtay ciidamada in ay si gaar ah uga amar qaataan siyaasiyiin aan dowladda qeyb ka ahayn, taasoo ay ku sheegtay khatar amni iyo mid sharciyeed.