Ciidamada ammaanka oo howlgal ka sameeyay duleedka degmada Kaxda ee Muqdisho.

6

Taliyaha saldhigga booliska degmada Kaxda, X/L Maxamed Cali Maxamed, ayaa maanta hoggaaminayay  hawlgal balaaran oo laga sameeyay duleedka degmada kaxda kaaso lagu sugayo amniga caasimada.

Howlgalkan oo ka socda bannaanka degmada ayaa la sheegay inuu yahay mid si gaar ah diiradda loogu saarayo sugidda amniga, iyadoo lagu baadi-goobayo kooxaha argagixisada ee dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed.

Taliye Maxamed Cali ayaa sheegay in hawlgalkani uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo nabadgelyada, loogana hortagayo falalka amni darrada ah ee laga soo abaabulo qeybo ka mid ah magaalada.

“Waxaan xooga saareynaa in shacabka ay helaan nolol nabdoon, waxaana tallaabo adag ka qaadi doonaa cid kasta oo amni darro ka wadda degmada Kaxda iyo nawaaxigeeda,” ayuu yiri taliyaha.