Mucaaradkii ugu badnaa oo ku soo wajahan Muqdisho iyo kulamo ka dhan MW Xasan Sheekh oo bilaabanaya

6

Magaalada Muqdisho ayaa maanta marti gelin doonta qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu miisaanka culus ee dalka, kuwaasi oo horey usoo qabtay xilal sare sida Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Madaxdan ayaa si weyn u dhaliilsan siyaasadda dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo hadda u muuqda kuwo mideynaya mowqifkooda siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaareyaashii hore Xasan Cali Khayre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta lagu wadaa in ay soo gaaraan caasimadda, iyadoo la filayo in ay kulamo muhiim ah la yeeshaan siyaasiyiin kale oo Mucaarad ah.

Sidoo kale, toddobaadka soo socda waxaa Muqdisho kusoo wajahan siyaasiyiin caan ah oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaareyaashii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa kale oo magaalada kusoo fool leh Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Federaalka, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, kuwaasoo door muhiim ah ka ciyaarayay siyaasadda dalka sanadihii la soo dhaafay.

Wararka ayaa sheegaya in xubnahan Mucaaradka ah ay ku howlan yihiin abaabul siyaasadeed oo xooggan, kaasi oo lagu doonayo in lagu mideeyo afkaartooda si ay u kordhiyaan cadaadiska ay saareen dowladda hadda jirta.

Ujeedka ugu weyn ee ay leeyihiin ayaa lagu sheegay in uu yahay in la helo hannaan siyaasadeed oo xasiloon, isla markaana ay qeyb weyn ka noqdaan go’aan ka gaarista mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli dalka uu wajahayo xaalado siyaasadeed oo cakiran, iyadoo shirar diblomaasiyadeed iyo abaabulo siyaasadeed ay si isdaba joog ah uga socdaan gudaha iyo dibedda dalka.