Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankiisa todobaadlaha ah ku yeeshay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnaha Guddiga Joogtada warbixin ka siiyay shaqooyinka Golaha horutebinta u leh inta ka harsan kalfadhiga lixaad, waxaana intaasi ka dib guddoomiyaasha guddiyada laga dhageystay warbixino ku saabsan shuruucda hortaala iyo habraacyada u harsan.
Ugu dambeyn xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ajendeyn iyo jadwaleynba ku sameeyay ajendayaasha kulamada Golaha ee todobaadka soo socda, waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray kula dardaarmay xubnaha Guddiga Joogtada in la dardargeliyo shaqada Golaha Shacabka.