NISA oo sheegtay in howlgal qorsheysan laga fuliyay Shabeelada Hoose.

8

Qoraal ka soo baxay taliska Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in ciidankeeda gaarka ah ee GAASHAAN ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen  degaanka Sabiin ee Gobolka Sh/hoose.

Howlgalkan ayaa lagu beegsaday horjooge sare oo ka tirsan Alshabaab, kaas oo mas’uul ka ahaa qorsheynta weerarradii hoobiyeyaasha ahaa ee ka dhacay Muqdisho tan iyo sanadii 2023, sida lagu yiri  war-saxaafadeedka Hay’adda NISA.

“Ciidanka NISA oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa Horjoogahan ayaa Howlgalka fuliyay, kadib markii la hubiyay xogta ku saabsan Horjoogaha, iyada oo la xaqiijiyay in isla goobta lagu khaarijiyay dhammaan Maleeshiyaadkii ilaalada u ahaa” ayaa lagu yiri Warka ay faafisay NISA.

Hay’adda NISA ma sheegin magaca horjoogaha la dilay iyo faahfaahin kale oo ku saabsan inuu ahaa madax weerarrada Hoobiyeyaasha ee lagu duqeeyo caasimadda Muqdisho.

Dhanka kale Taliska NISA ayaa qoraalkeeda waxa ay ku sheegeen in ilaa 6 howlgal oo duqeyn ah ay shalay ilaa xalay ka fuliyeen  deegaanka Ceel-hareeri ee Gobolka Hiiraan, kuwaasoo lagu dilay 46 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu beegsaday goob ay gabbaad ka dhiganayeen.

Hay’adda NISA ma sheegin cidaa ka kaalmeysay Duqeynta iyo nooca Diyaaradaha duqeynta fuliyay, balse waxaa caado ahayd in la xuso inay ka ka kaashatay Saaxiibada Caalamiga ah oo badanaa loola jeedo Mareykanka iyo Turkiga.

Sidoo kale Hay’adda NISA  ma soo bandhigin sawirada duqeynta ama  horjoogayasha iyo maleeshiyaadka ay sheegtay in howlgalka lagu dilay, mana jiraan ilo ka madax banaan oo xaqiijin mara warka NISA ka soo baxay.