Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta socdaal 3 cisho ah ugu bilowday dalka Jamhuuriyadda Djibouti, kadib markii uu martiqaad ka helay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Jabuuti ayaa noqoneysa dalkii labaad ee Madaxweyne Cirro uu booqo, kadib socdaalkiisii ugu horeeyay oo uu ku tegay dalka Imaaraadka Carabta bishii Janaayo.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona danaha u dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti,” ayaa lagu yidhi qoraal kooban oo ay Madaxtooyadu kaga hadashay safarka Madaxweynaha.
Safarkan ayaa imanaya xilli uu xumaaday xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti sannadihii u dambeeyay, kadib markii Jabuuti ay khatar dhaqaale u aragtay isla markaana ay dagaal ka gashay heshiiskii badda ee Somaliland iyo Itoobiya.
Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Biixi oo heshiiska la gashay Itoobiya, ayaa Jabuuti ku eedaysay in ay jabisay heshiiskii jaar-wanaagga, isla markaana ay dalkeeda ku martiqaadday xubno ka socda dhaqdhaqaaqa Awdal State iyo maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo Jabuuti ay eedahaasi iska difaacday.
Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Cirro ayaa sheegtay in ay dib u soo celinayso xidhiidhkii labada dhinac, iyadoo la filayo in dhinacyadu gaadhaan heshiisyo lagu xoojinayo wadashaqeynta labada dhinac.