Dowladda Federaalka iyo Hirshabelle oo wada guluf dagaal oo dib loogu qabanayo Aadan Yabaal

6

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabelle ayaa bilaabay dadaallo milatari oo xooggan si ay dib ula wareegaan degmada Aadan Yabaal ee gacanta ugu jirta maleeshiyada Al-Shabaab tan iyo 16 Abriil 2025.

Wararka laga helayo gobolka ayaa sheegaya in abaabulka uu si xawli ah ku socdo, iyadoo la qorsheynayo in guluf dagaal oo culus lagu qaado degmadaas toddobaadkan gudihiisa.

Dhanka kale, maanta oo Talaado ah ayaa la filayaa in ay gaaraan degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage iyo mas’uuliyiin kale. Socdaalkooda ayaa la xiriira qiimeyn xaaladeed oo ku aaddan dagaalladii dhawaan ka dhacay aagga u dhexeeya Moqokori iyo Aadan Yabaal.

Shalay, agaasimaha hay’adda NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa isna booqday degmada Moqokori, isagoo la kulmay saraakiisha ammaanka.

Ciidamo gurmad ah ayaa weli ku sii qulqulaya xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo la filayo in howlgalka uu billowdo maalmaha soo socda.