Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Jowhar, gaar ahaan xaafadda Hantiwadaag lagu dilay , Dr. Maxamed Cabdi Cali (Dr. Gaalib) oo ahaa Agaasimaha Waaxda Arrimaha Diinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Marxuumka ayaa lagu weeraray farmashi uu ku lahaa gudaha magaalada, waxaana rasaas ku furay dabley bastoolado ku hubeysan oo durbadiiba goobta ka baxsaday. Dr. Gaalib wuxuu ka mid ahaa dhallinyarada aqoonta leh ee u adeegayay bulshada, isagoo horey uga soo shaqeeyay xarumo badan oo caafimaad iyo adeeg bulsho.
Shacabka magaalada Jowhar ayaa si weyn uga naxay dilka Dr. Gaalib, waxayna cambaareeyeen falkaas arxan darrada ah oo lagu beegsaday shaqsi bulshadeeda u adeegayay.
Ciidamada booliska ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa si degdeg ah u tegay goobta uu falka ka dhacay, iyagoo bilaabay baaritaanno lagu raadinayo raggii ka dambeeyay dilka marxuumka.
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Hirshabelle, Xildhibaan Cali Cismaan Ibraahim (Cali Ciiley), ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Dr. Gaalib, isagoo sheegay in uu ahaa shaqsi waddani ah oo ku suntanaa dadaal iyo daacadnimo.
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta waxay ka codsaneysaa hay’adaha amniga in si buuxda loo baadho falkan, lagana soo qabto kuwii ka dambeeyay si cadaaladda loo horkeeno.