Xuutiyiinta Yemen oo ku hanjabay in ay weerar ku qaadaan Isra’iil

4

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay weerarro ballaaran ku beegsan doonaan Israa’iil, iyagoo adeegsanaya hub casri ah oo cusub. Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in weerarradan ay yihiin jawaab toos ah oo ku aaddan xasuuqa sii kordhaya ee Israa’iil ka waddo marinka Qasa, halkaas oo boqolaal rayid ah ay ku dhinteen duqeymo cusub oo cirka ah.

Xuutiyiintu waxay hoosta ka xariiqeen inay “mas’uuliyad Islaami ah” ka saaran tahay inay ka jawaabaan gardarada ka dhanka ah shacabka Falastiin. Sidoo kale, waxay digniin u direen maraakiibta shisheeye ee ka howlgasha Badda Cas, iyagoo sheegay in bartilmaameedkoodu uu ballaadhan doono haddii aan cadaadis la saarin Israa’iil si ay joojiso dagaalka Qasa.

Israa’iil weli kama aysan jawaabin hadalkan cusub, balse khubarro amni ayaa sheegaya in ay korortay halista weerarro cusub oo ka yimaada dhanka Badda Cas iyo marinada muhiimka ah ee ganacsig