Ciidamada Xoogga iyo Daraawiishta Koofur Galbeed oo Howlgal ka Fuliyay Duleedka Baraawe

10

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Koofur Galbeed ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka magaalada Baraawe, meel qiyaastii 40km u jirta magaalada, halkaas oo la sheegay in lagu burburiyay fariisimo ay ku lahaayeen kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo lagu beegsaday saldhigyo ay kooxda Argagaxisada ku lahaayeen deegaanka ayaa waxaa hoggaaminayay saraakiil sare oo ay ka mid yihiin Taliyaha Ururka 25-aad Cali Degal, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed Aadan Yuusuf Baroon, iyo Taliyaha Xasilinta Degmada Baraawe Ibraahim Xasan Geladow.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab looga saaray dhul ballaaran oo ay horey u maamulayeen, iyagoo intaa ku daray in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoreynayo deegaannada hoos yimaada Baraawe.

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa kordhiyay dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxaha Argagaxisada, iyagoo sheegay inay sii wadayaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga guud ee gobolka.