Guddiga doorashooyinka Qaranka oo waqti dheeri ku daray mudada diiwaan gelinta dadweynaha.

4

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariim Axmed Xasan ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee guddiga, isagoo ku dhawaaqay in 30 cisho oo dheeri ah lagu daray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka socda degmooyinka Gobolka Banaadir. Tallaabadan ayaa loogu talagalay in fursad dheeraad ah la siiyo dadweynaha aan weli iska diiwaangelin.

Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale shaaciyay in diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay dhowaan ka bilaaban doonto deegaanada dowlad-goboleedyada Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo gobolka Gedo ee hoos taga Jubbaland.

“Waxaa la xaqiijiyay in ilaa iyo hadda 30 urur siyaasadeed ay is diiwaangeliyeen, kuwaasoo diyaar u ah in ay ka qeybgalaan doorashada la filayo.” ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in qalabkii doorashada loo daabulayo magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka SSC-Khaatumo, si halkaas looga bilaabo diiwaangelinta codbixiyeyaasha.