Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Heshiis dhinaca Milatariga ah oo Soomaaliya iyo Sacuudiga dhex maray

10

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana kulanka guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Intii uu socday kulanka, Golaha Wasiirradu waxa ay ansixiyeen heshiis is-afgarad dhinaca milatariga iyo amniga ah oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Heshiiskan ayaa golaha usoo gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Sidoo kale, shirka waxaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira xaaladda guud ee amniga dalka, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, iyo warbixin ku saabsan diyaar garowga Xajka sannadkan. Guddiga taakuleynta dagaalka lagula jiro Khawaarijta ayaa isna bixiyay warbixin la xiriirta hawlgallada socda iyo taageerada loo fidinayo ciidamada.

Xukuumaddu waxay adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada amniga iyo difaaca, iyo sidoo kale horumarinta howlgalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.