Golaha Wasiirada Jubbaland oo MW Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu yahay kaligii-talis

10

Madaxweynaha Maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyada oo si gaar ah loo falanqeeyay khataraha isa soo taraya ee dib u dhigi kara hanaanka dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Kulanka waxaa lagu falanqeeyay tallaabooyinka siyaasadeed ee halista ku ah midnimada ummadda, ee uu ka shaqaynayo Maamulka Xasan Sheekh Maxamuud kuwaas oo u muuqda kuwo dalka dib ugu celin kara xilli mugdi ah, iyadoo la dareemayo in lagu wajahayo nidaam kaligii-talis ah iyo burburinta hanaankii heshiiska lagu ahaa ee dalka.

Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan xaaladda amniga ee Jubaland, taas oo lagu caddeeyay in Ciidamada Jubaland ay wadaan dadaallo joogto iyadoo howlgaladii u danbeeyay khasaare lagu gaarsiiyay Khawaariijta.

Sidoo kale, Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka ayaa soo bandhigtay cutubyada hindise sharciyeed la xiriira ilaalinta gargaarka bini’aadantinimo, si loo horumariyo hanaanka wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah. Golaha ayaa go’aamiyay in dib loo dhigo ansixinta xeerkaasi, si waqti dheeraad ah loogu helo akhris iyo falanqayn qoto dheer.