Maalintii labaad, waxaa dalka Sacuudi Carabiya gaaray Xujey Soomaaliyeed oo sanadkan gudanaya acmaasha Xajka, iyagoo ka kala tagey gobolada kala duwan ee dalka.
Magaalada barakeysan ee Makkah ayaa lagu soo dhaweeyay 425 Xujey Soomaaliyeed, kuwaas oo fursad u helay inay gudtaan waajibaadka Xajka ee sannadka Hijriga ah 1446.
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in tirada guud ee Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ay gaareyso 11,500, kuwaas oo ka kala dhoofay magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa, Garowe iyo Kismaayo. Safarkooda Xajka ayaa socon doona illaa 31-ka May 2025.
Sanad kasta, tirada ugu badan ee Xujeyda Soomaaliyeed ayaa gaarta Sacuudiga, kuwaas oo soo gudanaya acmaasha Xajka, laakiin marka ay tagaan Sacuudiga, badankood ayaa cabasho ka muujinaya xaaladaha ay ku suganyihiin goobaha la dejiyo.
Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ka gudbisay cabashooyinka Xujeyda, iyadoo la tacaaleysa sidii loo hagaajin lahaa adeegyada la siiyo.
Sanadkan, waxaa la filayaa in Xujeyda loola macaamilo si ka duwan sanadihii hore, iyadoo la rajeynayo in xaaladaha deegaannada loogu talagalay Xujeyda ay noqdaan kuwo ka raaxo badan.
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa sheegtay in ay dadaal dheeri ah ku bixiyeen sidii Xujeyda Soomaaliyeed ee ku sugan Sacuudiga loogu fududeyn lahaa dhammeystirka acmaashooda Xajka.