Axmed Madoobe: “Waxaan dhigeynaa gogol nabadeed oo Soomaaliyeed”

6

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Madoobe, ayaa ku dhawaaqay in magaalada Kismaayo laga furi doono gogol nabadeed iyo mid dib u heshiisiineed oo ay ka qeyb geli doonaan dhammaan dhinacyada Soomaalida.

Madaxweynaha ayaa sheegay in arrintani ay tahay dadaal Soomaaliyeed, oo uu ku doonayo in lagu mideeyo shacabka, iyadoo ay muuqato in dowladda federaalka ay ku fashilantay isku keenidda Soomaalida. Sidoo kale, Axmed Madoobe wuxuu xusay in weli aysan qabsoomin gogoshii nabadeed ee ay Puntland horey ugu baaqday.

“Gogoshan waa mid Soomaaliyeed, wax la dhaho dhexdhexaadnimo dowladeed hadda ma jirto, sidaas darteed Jubaland waxay qaaday talaabo u adeegaysa dan guud,” ayuu yiri Madaxweyne Madoobe.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jubaland ayaa si adag u dhaliilay Madasha Wadatashiga Qaran (NCC), isaga oo sheegay in aysan jirin wax la yiraahdo NCC maanta, madashana ay u ekeyd mid u xuubsiibatay xisbi kacaan oo aan laga arkin meel uu dalka ka taliyo.

Waxaa la xasuustaa in khilaaf xooggan uu u dhexeeyo Axmed Madoobe iyo madaxda Villa Soomaaliya tan iyo doorashadii dib loogu doortay xilka hoggaanka Jubaland.

Gogosha uu sheegay Madaxweynaha Jubaland ayaa hadda la eegayaa waxa ay ka dhali doonto, iyadoo ay jirto baahi xooggan oo loo qabo in dib loo soo celiyo wada hadal dhab ah oo u dhexeeya dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee Soomaaliyeed.