Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa diiday codsi dowladda Kenya ku dooneysay inay ku la wareegto guri ku kacaya $833,000 iyo lacag dhan $65,000 oo uu leeyahay Jibriil Cusman Mohamed, diblumaasi Soomaaliyeed oo hore. Dowladda ayaa ku eedaysay inuu xiriir la leeyahay shabakad argagixiso oo Yemen fadhigeedu yahay.
Hay’adda Qabashada Hantida (ARA) ayaa sheegtay in guriga ku yaalla Westlands, Nairobi, iyo lacagta yaalla saddex akoon oo I&M Bank ah ay yihiin hanti ka timid falal sharci-darro ah. Waxay ku dooday inay la xiriirto Abdi Nasir Ali, oo ay Mareykanku ku daray liiska maalgeliyeyaasha Xuutiyiinta ee Yemen.
ARA waxay sheegtay in lacagta guriga lagu iibsaday laga helay Abdi Nasir Ali, oo Kenya u soo safri jiray inta u dhexeysay 2013 ilaa 2018. Waxaa kaloo lagu eedeeyay Mohamed iyo shirkaddiisa Jibca Services Ltd in ay heleen $550,000, lacag la sheegay in loo mariyay Dahir Mohamoud oo ARA ku tuhunsan tahay inuu xiriir la leeyahay Ali.
Balse Garsoore Benjamin Musyoki ayaa sheegay in aysan jirin wax caddeyn ah oo lagu xiro Mohamed ama shirkaddiisa fal dambiyeed. Wuxuu sheegay in ARA ay keentay eedeymo guud oo aan caddeyn lahayn.
Maxkamaddu waxay tixgelisay xirfadda diblumaasiyadeed ee Mohamed iyo in lacagta lagu helay iibka guri uu ka dhaxlay hooyadii oo ku yaallay Muqdisho, laguna iibiyay $2.2 milyan. Lacagtan waxaa caddeeyay hay’adaha maaliyadeed ee Soomaaliya.
Mohamed, oo iskiis isu metelayay, wuxuu sheegay in uusan xiriir toos ah ama dadban la lahayn Abdi Nasir Ali. Wuxuu sheegay in lacagta uu ku iibsaday guriga Kenya uu si toos ah uga helay Dahir Mohamoud oo u wakiil ahaa iibsadihii guriga Muqdisho.
Garsooruhu wuxuu ku soo gabagabeeyay in aan Mohamed laga qaadi karin hantidiisa iyadoo aysan jirin caddeyn sharci ah oo xiriirisa dambiyada la sheegayo.