Mareykanka oo markale kuceliyay inuusan bixin doonin miisaaniyada Howlgalka AUSSOM

3
Dowladda Mareykanka ayaa markale waxa ay ku celisay diidmadeedi ku aadan inaysan diyaar u ahayn maalgelinta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo laga rabay inuu bixiyo $96 Milyan waxaase uu saluug ka qabaa qaab dhismeedka howlgalka.

Sida laga soo xigtay ilo diblumaasiyadeed oo ay soo xigatay Africa Intelligence, kulan fool ka fool ah oo dhawaan dhex maray wakiilo ka socday Midowga Afrika (AU) iyo Mareykanka ayaa lagu soo gabagabeeyay iyadoo Washington ay xaqiijisay mawqifkeeda diidmada ah.

Mawqifkani waxa uu la mid yahay mawqifkii dublamaasiyiinta Maraykanku ku qeexeen kulankii Kampala, halkaas oo laba wakiil oo Maraykan ahi ay si cad u sheegeen in Maraykanku aanu maal-gelin doonin hawlgalka, haddii aan wax badan laga beddelin nidaamka howlgalinta iyo mida maaliyadeed.

Si loo helo taageero maaliyadeed oo joogto ah, AU waxay wafdi u dirtay Washington, iyagoo raadinaya ugu yaraan ballanqaad qeyb lacagtaan ah oo lagu daboolayo kharashaadka howlgalka, Si kastaba ha ahaatee, natiijadu waxay u muuqataa inay hoos uga dhacday wixii la filayay.

Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee hadda jooga, oo markii hore ku hoos shaqeyn jiray ATMIS (Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya), ayaa hadda waxaa soo food saartay dhibaato dhaqaale oo daran.

Howlgalka ayaa lagu soo waramayaa in uu wato deyn dhan 96 milyan oo doolar oo mushaar la’aan ah iyo kharashaadka shaqada, Mushaar dhowr bilood ah oo ciidamada AU-da ayaa weli ah kuwo aan la siin, taasoo kor u qaadeysa welwelka ku saabsan niyadda iyo waxtarka shaqada.