RW hore Saacid oo ka digay muddo kororsi uu sameysto MW Xasan Sheekh.

3

War qoraal ah oo ka soo baxay R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacad ayaa waxaa uu ka hadlay shirkii golaha wadatashiga Qaranka ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Dawladda Federaalka ah (DFS), waxa ay ka il-duuftay in ay, ugu yaraan, xubnaha dawlad-goboleedyada dalka sida dowlad-goboleedyada Puntland, Jubaland, Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabeelle, SSC-Khaatumo iyo Maamulka Gobolka Benadir ay si siman ugu casuunto oo hubiso ka soo qayb-galkooda shirka Golaha Wada-tashiga Qaran. Xaqiijinta hawshaasi weli waa gudboon tahay oo mudnaan sare ayey leedahay.”ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Sidoo kale Saacad ayaa waxaa uu intaasi ku daray qoraalkiisa “Waxaan adkeyneyaa muhiimadda ay leedahay in doorashooyinka dalka laga gaaro heshiis wadar-ogol ah oo ku saabsan habraaca iyo qabsoomidda doorashooyinka dalka si aysan kooxina uga gaari karin go’aan u gaar ah.Sidoo kale, waa in laga fogaado wax kasta oo keenaya muddo-kororsi ama sababi kara khilaaf siyaasadeed oo hor leh.”