Hay’adaha Qaramada Midoobay (UN) ee xafiisyada ku leh magaalada Garowe ayaa shaqadii ka eryay qaar kamid ah shaqaalahooda, iyadoo ay saameyn ku yeelatay shaqaalaha ilaalada ka ah xarumaha UNka iyo kuwa nadaafadda ka shaqeeya.
Hay’adda UNICEF ayaa ah tan ugu badan ee fasaxday tiro badan oo shaqaalaheeda ka tirsan, sida uu xaqiijiyay ilo-wareed ka tirsan hay’adda oo la hadlay HOL, balse codsaday in aan magaciisa la shaacin.Shaqaalahan la fasaxay ayaa waxaa lagu wargeliyay in heshiisyadoodii shaqo laga kansalay, waxaana loo sheegay in fasaxooda uu dhaqan galay bishan May. Dadka la fasaxay waxay u badan yihiin ilaalada xarunta weyn ee UNICEF ee Garowe iyo shaqaalaha hoose sida kuwa nadaafadda.
Go’aankan ayaa yimid kaddib markii hoos u dhac weyn ku yimid taageeradii dhaqaale ee hay’addu ka heli jirtay Dowladda Mareykanka. UNICEF ayaa sheegtay in miisaaniyaddeeda sanadka 2026 ay hoos u dhici doonto ugu yaraan 20% marka loo eego tan sanadka 2024, sababo la xiriira hoos u dhaca deeqaha caalamiga ah – gaar ahaan kuwa ka yimaada Mareykanka.
Sanadkii 2024, Dowladda Mareykanka waxay ahayd deeq-bixiyaha ugu weyn ee UNICEF, iyadoo siisay in ka badan $800 milyan. Laakiin isbeddelladii uu sameeyay Madaxweyne Donald Trump ayaa horseeday in malaayiin doollar laga dhimo gargaarka bani’aadantinimo, taas oo si toos ah u saameysay howlihii UNICEF ee gudaha Soomaaliya.
Waxaa la saadaalinayaa in shaqaale kale oo dheeraad ah la fasaxo inta sanadka ka dhiman, haddii aan xal loo helin hoos u dhaca dhaqaale ee hay’addu wajahdo.