Mareykanka oo ku bixinaya $10 milyan xog lagu soo qaban karo hogaamiye Al-Shabaab

4

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay bixineyso abaalmarin gaaraysa ilaa $10 milyan oo doollar cid kasta oo keenta xog horseedi karta qabashada ama xukminta Cabdullaahi Banati, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa Talaadadii sheegtay in Banati uu door weyn ka qaatay qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5-tii Janaayo 2020 lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay, Kenya, kaasoo lagu dilay saddex qof oo Mareykan ah – askari ka tirsan ciidanka Mareykanka iyo laba qandaraasle oo u shaqaynayey Wasaaradda Gaashaandhigga.

Weerarkaas waxaa fuliyay unugga Jaysh Ayman ee Al-Shabaab, waxaana la adeegsaday hub culus oo ay ka mid yihiin gantaallada garbaha laga rido iyo rasaas culus, iyadoo lagu burburiyay diyaarado iyo qalab ciidan. Jaysh Ayman ayaa ah unug ka howlgala gudaha Kenya iyo Soomaaliya, waxaana la rumeysan yahay in uu si toos ah uga amar qaato Cabdullaahi Banati.

Sanadkii 2020, Mareykanka ayaa Banati ku daray liiska argagixisada caalamiga ah ee si gaar ah loo calaamadeeyay (Specially Designated Global Terrorist).

“Mareykanka waxa uu ka go’an yahay in caddaaladda la horkeeno kuwa ka dambeeya weerarrada argagixiso ee lagu beegsanayo muwaadiniinteena iyo danaha Mareykanka,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Abaalmarintan ayaa qayb ka ah barnaamijka Rewards for Justice, kaasoo tan iyo 1984 bixiyay in ka badan $250 milyan oo doollar oo lagu helay xog horseeday la-dagaalanka argagixisada.