Madaxweynaha Koofur galbeed oo gaaray Magaalada Baydhabo

5

Madaxweynaha Dowladda Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Magaalada Muqdisho ugu maqnaa ka qeybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye ku xigeenka 1-aad  Maxamed Nuur Maxamed Macalin, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha Hay’addaha Amniga iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa Wafdiga Madaxweynaha kuso dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Wasiirada soo dhaweeyay Madaxweyne Lafta gareen ayaa waxaa ka mid ah wasiirka Dastuurka ee maamulka Koofur Galbeed Mudane Maxamed Ibraahim Barre.

Madaxweyne Lafta gareen ayaa kulamo la qaadan doono golaha wasiirada iyo odayaasha dhaqanka.