Jubbaland: Go’aannadii kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran nama quseeyaan

5
Maamulka Jubbaland ayaa si cad u sheegay in waxba aysan ka  khuseyn go’aamadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar, ayaa qodobadii shirka kasoo baxay ku tilmaamay kuwo aan waxba soo kordhinayn, islamarkaana aan waxba ka beddeli karin xaaladda Jubbaland.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa habeenkii xalay ku baaqay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka ay soo saarto talo sharci ah oo lagu wajaho xaaladda Jubbaland, si loo helo dowlad-goboleed leh sharciyad buuxda.

Hadalkan ayaa dhaliyay falcelin xooggan, iyadoo siyaasiyiin badan ay ku tilmaameen isku day ay Dowladda Federaalka ku doonayso in ay meesha kaga saarto maamulka Jubbaland, ayna dhisto maamul kale oo beddela.

Xildhibaan Cabdiladiif Sanyare oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag u dhaleeceeyay Dowladda Federaalka, isagoo ku eedeeyay inay duullaan siyaasadeed ku tahay Jubbaland.

“Dowlad-goboleedka Jubbaland waxaa laga rabaa diyaar garow dhab ah. Waxaa kusoo socda duullaan kaga imaanaya dhanka Dowladda Federaalka, taasoo si cad uga leexatay waddadii dowladnimada, khatarna ku ah midnimada iyo wadajirka dalka, kuna tumanaysa nidaamka federaalka,” ayuu yiri Xildhibaan Sanyare.

Jubbaland ayaa horey u shaacisay inay wadashaqeynta kala laabatay Dowladda Federaalka, iyadoo ku eedeysay in dowladda dhexe ay u shaqeyso si u eg shirkad gaar ah oo ku kooban Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa isaguna dhankiisa sheegay in go’aan kasta oo kasoo baxa Dowladda Federaalka aanu wax saameyn ah ku yeelan doonin jiritaanka Jubbaland.