Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfurta Suudaan

5

Muwaadinkaan Soomaaliyeed oo ku safraayay wadada isku xirta magaalooyinka Jubba iyo Terekeka ee Koonfurta Suudaan ayaa arxandaro ah loogu dilay ku weerar ka dhacay meel aan ka fogeyn magaalada Terekeka.

Afhayeenka ciidanka Difaaca dadka Koonfurta Suudaan Jeneraal Lul Ruai Koang ayaa xaqiijiyay dhimashada Muwaadinka Soomaaliyeed oo la socday gaari ganacsi, islamarkaana lagu gubay gaariga xili uu marayay meel aan ka fogeyn Terekeka.

Wuxuu tilmaamay Afhayeenka in weerarkaasi ay ka dambeeyeen dagaalamayaal ka tirsan kooxda hubeysan ee SPLA-IO oo uu hoggaamiyo ninka lagu magacaabo Dr. Riek Machar.

Jeneraal Lul Ruai ayaa sidoo kale weerarkaas ku tilmaamay mid argagixiso ah oo lagu beegsanayo dadka rayid ah, isagoona tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed iyo ehelada uu ka baxay marxuumka.

Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay iney sameyn doodoono baaritaano dheeraad ah oo lagu raadinayo kooxaha ka dambeysay weerarka lagu dilay Muwaadinka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowlada Federaalka Soomaaliya oo ku aadan weerarka lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed, waxaasa la filayaa iney ka hadashao saacadaha soo socda, waxaana xusid mudan in dhacdadan ay walaac xooggan ku abuurtay dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Koonfurta Suudaan, gaar ahaan ganacsatada iyo dadka safarka ku taga dalkaasi.