Koox hubeysan oo dad shacab ah ku dilay Garoowe

4

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in xalay uu weerar hubeysan ka dhacay gudaha Hotel Baashi, oo ku yaalla agagaarka Masjidka Saxaaba ee bartamaha magaaladaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in koox  hubeysan oo aan weli la aqoonsan ay toogasho ku dileen laba qof, mid kamid ahna la rumeysan yahay inuu ahaa waardiye ka shaqeeya hotelka.

Ciidamada ammaanka ee booliska Puntland ayaa si degdeg ah u tegay goobta, waxaana la xiray waddooyinka soo gala aagga uu hotelku ku yaal.

Wararka ayaa intaasi ku daraya  sheegaya in kooxda ay ka baxsadeen goobta kahor intii aan la gaarin.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka, balse falalka noocan oo kale ah ayaa marar hore ka dhacay magaalada, inkasta oo Garoowe caadi ahaan lagu yaqaanay inay tahay meel amni ahaan deggan marka la barbar dhigo magaalooyinka kale ee dalka.

Hotel Baashi ayaa kamid ah goobaha ay si joogto ah ugu hoydaan dadka safarka ah iyo ganacsatada, waxaana weerarkani abuuray cabsi cusub oo ku saabsan sugnaanta ammaanka gudaha magaalada.