Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Jubbaland iyo kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa howlgal qorsheysan oo ballaaran ka fuliyay deegaanno muhiim ah oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday xarumo iyo goobo ay ku sugnaayeen kooxaha argagixisada, waxaana ciidamada ay guulo la taaban karo ka gaareen, iyagoo burburiyay xarumo muhiim ah oo ay kooxdaasi u adeegsanayeen qorshayaal amni darro iyo weerarro.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa tilmaamay in uu qeyb ka yahay qorshayaasha joogtada ah ee lagu sugayo nabadda iyo xasiloonida deegaanada Jubbaland. Waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta bulshada iyo ciidamada, taas oo horseed u noqotay guusha howlgalkan.