Shan sarkaal oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ayaa lagu dilay halka shan kalena ay ku dhaawacmeen weerar dhabar-jab ah oo ay Al Shabaab ku qaadeen ciidanka Kenya gudaha kaynta Boni ee gobolka Lamu.
Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Lehelo, halkaas oo ay ciidanku ku raad-joogeen koox argagixiso ah oo la tuhunsan yahay. Boolisku waxay sheegeen in sarkaalka la weeraray uu muddo laba maalmood ah dabasocday kooxdaasi, kadib markii ay heleen xog sirdoon oo muujinaysay in kooxdaasi ay qorsheynayeen weerar ballaaran oo ka dhan ah shacabka iyo ciidamada dowladda.
Sarkaal sare oo ka tirsan booliska ayaa xaqiijiyay in saraakiisha dhaawacmay loo qaaday magaalada Nairobi si loogu helo daryeel caafimaad oo khaas ah. Magacyada sarkaalkii la dilay lama shaacin, iyadoo la sugayo in qoyskooda la ogeysiiyo.
Ciidamo isugu jira laamaha ammaanka ayaa durbadiiba howlgal ka bilaabay kaynta si loo raadiyo dambiilayaasha weerarka geystay, kuwaasoo la aaminsan yahay in iyaguna waxyeello soo gaartay intii uu socday is-rasaaseynta culus.
Weerarkan ayaa mar kale muujinaya qatarta joogtada ah ee kooxda Al Shabaab ay ku hayaan Kenya, gaar ahaan deegaanada xuduuda la leh Soomaaliya. Kaynta Boni, oo ku fidsan gobollada Lamu, Garissa, iyo Tana River, ayaa muddo dheer u ahayd marin ay kooxaha argagixisadu ku galaan gudaha Kenya iyo goob ay ka helaan taageerayaal cusub.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Kipchumba Murkomen, oo booqday saraakiisha dhaawaca ah ee lagu daweynayo isbitaalka Nairobi West intii lagu guda jiray Maalinta Shaqaalaha (Labour Day), ayaa si adag u cambaareeyay weerarka. Wuxuu ballan qaaday in dowladda Kenya ay sare u qaadi doonto howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ku sugan gobolkaas.
Wasiirka waxaa wehelinayay Taliyaha Guud ee Booliska Japhet Koome iyo ku-xigeennadiisa Eliud Lagat (KPS) iyo Gilbert Masengeli (APS).
“Ciidamadeennu waxay naftooda halis u geliyaan maalin kasta si ay u difaacaan dalka. Waxa aan ku leenahay mahad-celin iyo taageero dhab ah — gaar ahaan dhanka nolosha, qalabka, iyo daryeelka caafimaad,” ayuu yiri Murkomen.
Wuxuu sidoo kale shaaciyay in sagaal askari ay hadda la tacaalayaan dhaawacyo ka soo gaaray howlgaladii ugu dambeeyay, oo ay ku jiraan kuwa ka dhacay gudaha Kenya iyo Haiti. Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in shan sarkaal ay ku dhinteen dagaallo dhowaan dhacay.
Bilihii la soo dhaafay, kooxda Al Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fulinayaan gudaha Kenya. Mid kamid ah dhacdooyinkii ugu argagaxisada badnaa ayaa dhacay horaantii sannadkan, markii dagaalyahanno hubeysan ay dadka deegaanka Lamu ku amreen inaysan la shaqeyn ciidamada dowladda, iyagoo isla markaana uga digay in ay ka leexdaan “wacdigooda diimeed.”