Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, kadib safar uu maalmahan ugu maqnaa dalka dibaddiisa.
Madaxweynaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo oo ah caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Jubbaland.
Soo laabashada madaxweynaha ayaa ku soo aadaysa xilli qeybo kamid ah Jubbaland aysan si buuxda u shaqeynaynin garoomada diyaaradaha, taasoo sababtay caqabado weyn oo saameeyay shacabka iyo isu socodka gudaha maamulkaasi, Inkastoo aan faahfaahin rasmi ah laga helin ajandaha safarka Madaxweynaha ee dibadda, haddana wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Axmed Madoobe uu kulamo la qaatay xubnha Beesha Caalamka.
Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Lama oga in Axmed madoobe uu ka qeyb gali doono shirka golaha wadatashiga Qaranka iyo in kale.