Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Madaxtooyada, Duulista iyo Hawada, iyo taliyeyaasha ciidamada Booliiska iyo Millateriga ayaa maxaabiistan kusii sagootiyay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Cigaal.
Boqor Aw Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow iyo madax-dhaqameed kale ayaa maxaabiista u raacay magaalada Garoowe, iyaga oo ku wareejin doona maamulka Puntland. Maamulka Puntland ayaa dhankiisa sii daayay 15 maxbuus oo laga qabtay Somaliland intii uu socday dagaalkii Laascaanood.
Wasiirka Caddaaladda Somaliland, Yoonis Axmed Yoonis, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ku tilmaamay iswaydaarsiga maxaabiista mid ka tarjumaya darisnimo iyo nabad ku wada noolaansho.
“Jamhuuriyadda Somaliland: Saldhig nabadeed iyo wanaag derisnimo. Somaliland waxay astaan u tahay nabadda, sida uu Madaxweynuhu, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), dhowr jeer ku celceliyay. Siyaasadda xukuumaddaydu waa nabad ku wada noolaanshaha dalalka deriska ah iyo ka shaqaynta nabadeynta bariga gobolka Sool ee Somaliland,” ayuu yidhi Wasiir Yoonis.
“Iyada oo Jamhuuriyadda Somaliland ka duulayso go’aanka Madaxweynaha, si loo helo nabad iyo isu socodka ganacsiga iyo bulshada gobollada bariga, waxay sii daysay oo Puntland ku wareejisay 11 maxbuus, kuwaas oo loo maray dariiq waafaqsan xeerarka caalamiga ah” ayuu Wasiir Yoonis hadalkiisa sii raaciyay.
Iswaydaarsiga maxaabiista ayaa yimid kadib markii Somaliland iyo Puntland ay ka heshiiyeen in ay is dhaafsadaan maxaabiista ay kala hayaan. Sidoo kale, maamulka SSC-Khaatumo ilaa hadda kama hadal waxa uu ka qabo sii daynta maxaabiista Somaliland ee ku xidhnaa Puntland.
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa isna dhawaan sii daayay 25 maxbuus oo ka mid ahaa maxaabiista Somaliland kaga xidhnan magaalada Laascaanood, kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu sii dayntooda ku qanciyay madaxda maamulka.
Ilaa hadda lama oga goorta si buuxda ay Somaliland iyo SSC-Khaatumo isku dhaafsan doonaan dhammaan maxaabiista, maadaama aanay weli ka heshiin colaadda dhex taalla, isla markaana aan ilaa hadda wax wadahadal ahi dhex marin.