Ugu yaraan shan shaqaale ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen, halka laba kalena ay si xun ugu dhaawacmeen weerar hubeysan oo dabley looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay ku qaadeen goob ay shaqaaluhu ku sugnaayeen tuulada Buur Abor ee Bariga Mandheera, gobolka waqooyi-bari ee Kenya.
Kooxda weerarka qaaday ayaa si lama filaan ah u hareereeyay gaari ay wateen shaqaalaha, wax yar uun kadib markii ay goobta yimaadeen, Waxaa la sheegay inay si toos ah ugu fureen rasaas culus, taasoo sababtay dhimashada shan qof iyo dhaawaca laba kale, iyadoo inta kale ee shaqaalaha oo gaaraya 25 qof ay ku guuleysteen inay goobta ka baxsadaan.
Weerarkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo laga soo wariiyo deegaankaasi, taasoo sare u qaaday walaaca dadka deegaanka iyo mas’uuliyiinta ku aaddan amniga gobolkaas.
Maamulka gobolka iyo laamaha ammaanka ayaa bilaabay baaritaanno, iyagoo ballan qaaday in la xaqiijin doono nabadgelyada deegaanka.
Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in ay kordhiso joogitaanka ciidamada ammaanka si loo xakameeyo khatarta sii kordheysa ee Al-Shabaab ee ka imaaneysa xadka Kenya iyo Soomaaliya.
Weerarkan wuxuu kusoo beegmayaa xilli gobolka Mandheera uu horey u wajahaya dhibaatooyin dhinaca amniga ah oo la xiriira weerarro isdaba joog ah oo kooxda Al-Shabaab ka fuliso xadka labada dal.