Hoobiyeyaal lagu weeraray xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho

4

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay tiro hoobiyeyaal ah oo Aroortii hore ee saaka  lagu weeraray xerada Xalane iyo xaafadaha ku dhow ee magaalada Muqdisho.

Xeradan oo ku dhex taalla Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa laga maqlayay nidaam baahiyaha degniinaha deg-degga ah, waxaana lagu soo warramayaa in saddex hoobiye uu ku hoobtay xerada.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ay ku soo tooseen dhawaq iyo jugta madaafiicda. Ilaa hadda lama ogga khasaaraha dhabta eek a dhashay duqeyntan.

Waa weerarkii labaad oo loo adeegsado madaafiic oo bishan gudaheed ka dhaca Magaalada Muqdisho, iyadoona xusid mudan in degmooyinka qaarkood ay ka socdaan diiwaan gelinta doorashooyinka Golaha Degaanka.

Dhowaan  weerar ka la mid ah oo dhacay degmad Xamar Jajab ayaa ku dhintay hal ruux, waxaana ku dhaawacmay labo kale kadib markii hoobiye uu ku habsaday.

Ma jiro waxa hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha amniga ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM oo ku aadan weerarkan.

Hay’addaha ammaanka ayaa horey u ballan qaaday in ay wax ka qaban doonaan weerarada loo adeegsado madaafiic ee ku soo noq noqday Magaalada Caasimada ee Muqdisho.

IIlaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda duqeyntan, balse Kooxda Al Shabaab ayaa inta badan loo aaneeyaa fulinta weerarada nuucan ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.