Somaliland oo weerar afka ku qaaday Soomaaliya

4

Maamulka Somaliland ayaa markale weerar afka ah ku qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay cirka isku shareereyso xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa labada dhinac, tan iyo markii Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu booqday Magaalada Laascaanood.

Afhayeenka Maamulka Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr),  ayaa sheegay in maamulka fadhigiisu yahay Magaalada Hargeysa uu yahay mid guulaystay marka halka ay ku taallo iyo caqabado badan ee jira ee Gobolka.

Wuxuu sheegay in Maamulka Somaliland uu ku naaloonayo amni iyo xasilooni, halka uu ku tilmaamay Soomaaliya mid dhex dabaalaneysa colaad baahsan, fawdo iyo sharci la’aanta.

Qoraal uu ku baahiyay barahiisa bulshada ayuu Afhayeenku in Somaliland ay muujisay xasillooni, dimuqraaddiyad iyo kobac dhaqaale, wuxuuna sheegay in qodobadan ay yihiin kuwa Maamulka Soomaaliland ay uga horreeyaan dalal ku yaalla Gobolka oo harreeyay colaado.

Ugu dambeyn, wuxuu afhayeenka intaasi ku daray in Shacabka iyo hoggaanka Maamulka Somaliland ay muujiyeen isku duubni 30-kii sanno ee ugu dambeysay , taas oo horseeday in degaannada Maamulka ay ka dhacaan buu yiri doorashooyin qof iyo cod ah.