Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Jeneraal Sahal Cabdullahi Cumar, oo kamid ah saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in la jebiyey kooxda Alshabaab oo deegaanka Wargaadhi ay ku sugan yihiin Ciidamada Qaranka oo cashir u dhigay Kooxda.
Warar ay warbaahinta Al shabaab ay sii daayeen ayay ku sheegteen inay maamulka degaanka la wareegeen oo ciidamadii Dowladda laga saaray balse taliska Ciidanka ee magaalada gacanta ku haayay ay beeniyeen.
Abaanduulaha Guutada 18-aad ee Gorgor Gaashaanle Maxamed Ibraahim Intarfeer oo goor dhow wareysi siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay khasaare xoogan ay gaarsiiyeen Al shabaabkii soo weeraray degaanka Wargaadhi.
“Ma jirto wax layiraahdo inay ciidamada kabaxeen degaanka, balse kooxdii Khawaarijta ayaa arbushaad yar saakay aroortii soo sameysay waxaana la gaarsiiyay jab xoogan, dadka halaga daayo wararka been abuurka ah ee ciidamada in degaanka lagala wareegay” ayuu wareysiga uu bixiyay ku yiri Abaanduulaha Guutada 18-aad ee Gorgor Gaashaanle Maxamed Ibraahim Intarfeer.
Degaanka saakay dagaalka ka dhacay waa talis muhiin u ah howlgalka lagula dagaalamayo Al shabaab ee ka socda gobolada Dhexe, Dowladda Soomaaliya waxa ay horey u sheegtay in furamaha qaar ee dagaal ay Al shabaab la wareegeen uga soo baxeen xeelad dagaal.