Midowga Yurub ayaa sheegay in uu dareemayo culays dhaqaale iyo mid farsamo oo sii kordhaya, maadaama uu muddo dheer ahaa maalgeliyaha ugu weyn ee hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya. Midowga ayaa xusay in ay lagama maarmaan tahay in beesha caalamka si siman uga qeyb qaadato masuuliyadda hawlgalka.
Mas’uuliyiinta Midowga Yurub ayaa carabka ku adkeeyay in waddamada saameynta leh, sida kuwa Khaliijka, Mareykanka, Shiinaha iyo quwadaha gobolka, laga filayo inay hadda si muuqata u bilaabaan taageero dhaqaale si hawlgalka Soomaaliya uusan u istaagin.
Midowga Yurub wuxuu caddeeyay in deeqsinimada keli ah aanay ahayn xalka mustaqbalka Soomaaliya, isla markaana loo baahan yahay in taageeradu noqoto mid wadajir ah oo waarta. Waxaa sidoo kale laga digay in kaliya Yurub laga sugo garab istaagga hawlgalka.
Isla markaana, hawlgalka ATMIS ayaa ku socdo marxalad isbeddel ah, isaga oo ka guuraya howlgal ciidan toos ah una sii jeeda taageero dhinacyo badan leh sida tababarro, latalin iyo dhisidda hay’adaha dowladda Soomaaliya. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo lagu yareynayo ku tiirsanaanta dibedda.
Shir muhiim ah oo ka dhacaya Kampala ayaa lagu waday in lagu caddeeyo qaab-dhismeedka cusub ee loo bixiyay “xasillin fudud”. Natiijooyinka shirkaasi ayaa lagu saleeyn doonaa ajandaha shir madaxeedka bisha Maajo, halkaas oo lagu go’aamin doono mustaqbalka hawlgalka iyo qorshaha xiga ee Soomaaliya ka dambeeya ATMIS.