Turkiga oo yeelanaya 90% dakhligii shidaalka iyo Gaaska uu kasoo saaro Soomaaliya

9

Heshiiskii qarsoodi ah oo u dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Turkiga, ayaa waxaa banaanka u soo baxay  qodobo dareen dhalinaya kadib markii nuqul ay heshay shabakadda caalamiga ah ee Nordic Monitor. Heshiiskan oo lagu sheegay inuu dhacay sannadkii hore, ayaa laga helay qodobo muujinaya in dalka Soomaaliya si weyn uga dhiman doono faa’iidada ka dhalan karta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee laga soo saaro biyaha baddeeda.

Warbixintu waxay sheegaysaa in kaydka shidaalka badda Soomaaliya lagu qiyaasay ilaa 30 bilyan oo fuusto oo shidaal ah iyo 6 bilyan oo mitir kuyuubik oo gaas dabiici ah, sida ku cad xogaha heshiiska. Hase yeeshee, waxa la yaab leh in 90% faa’iidada ka soo baxda sahminta iyo soo saarista khayraadkaasi loo ogolaaday dawladda Turkiga, halka dowladda Soomaaliya lagu koobay 5% oo kaliya, taas oo ah khidmad sahlan oo aan la jaanqaadi karin baaxadda khayraadka la sheegay.

Qodobbada kale ee heshiiska ayaa waxaa ka mid ah:-

Turkiga ayaa heysta awoodda kaliya ee dhoofinta shidaalka Soomaaliya, iyadoo aan dowladda Soomaaliya wax door ah ku lahayn go’aamada ganacsi ee la xiriira khayraadkeeda dabiiciga ah.

Haddii khilaaf dhaco, dacwadda waxa qaadaysa maxkamad ku taalla magaalada Istanbul, iyadoo Soomaaliya laga mamnuucay inay dacwad ka furato maxkamad dalkeeda ah.

Ciidamada ilaalinaya goobaha shidaalka waxay ahaan doonaan kuwa Turkiga ah, taas oo meesha ka saaraysa fursadihii shaqo ee ciidamada Soomaaliya heli lahaayeen.