Booliska Maamulka SSC-Khaatumo ayaa hadlay dil dhowaan Magaalada Laascaanood loogu geystay geystay Farax Jaamac Caydiid, oo ka tirsanaa shaqaalaha qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garoowe.
Taliyaha Ciidanka Booliska ee SSC-Khaatumo, Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in wadaan baaritaanno la xiriira sida uu dhacay dalka iyo cidda ku lugta leh.
Inkastoo uun sheegin haddii ay jiraan tuhmaneyaal la soo qabtay, haddana wuxuu Taliyaha ballan qaaday in cid weliba ka dambeysa dilkaasi ay la tiigsan doonaan cadaaladda. .
Maalin ka hore, Xeer Ilaaliyaha Guud ee SSC-Khaatumo Cabdullaahi Xirsi Dheere ayaa shaaciyay natiijooyin hordhac ah oo la xiriira baaritaanka dilka, isagoona ku eedeeyay Kooxda Al Shabaab inay mas’uul ka yihiin weerarka lagu dilay Farax.
Wuxuu sheegay in Farax Jaamac uu mar ka badbaaday weerar ay Al-Shabaab la beegsadeen, kaas oo dhaawac uu kasoo gaaray. Waxa kale oo uu sheegay in marxuumka uu horey uga mid ahaa kooxda Al-Shabaab balse uu markii dambe uu ka soo goostay.
Si-kastaba, dilka Farax Jaamac Caydiid ayaa noqonaya dilkii ugu horreeyay ee lala xiriiriyo Al-Shabaab tan iyo markii ay ciidamada Somaliland ka baxeen magaalada Laascaanood, halkaasina laga dhisay Maamulka SSC-Khatumo kadib markii kacdoonkii ay sameeyaan bulshada.