Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed.
Kulankan oo ahaa mid albaabada u xaran ayaa diirada lagu saaray arrimaha amaanka dalka, gaar ahaan soo rogaal-celinta Kooxda Al Shabaab iyo howlgallada ka socda qeybo ka mid ah Gobollada dalka.
Qodobada aad looga hadlay waxaa ka mid ahaa weerarkii dhowaan Al Shabaab ay ku qaaday Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Sh.Dhexe oo qiyaas ahaan 245km dhanka waqooyi uga beegan Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Hirshabelle Cali Xuseen Guudlaawe oo madasha ka hadlay ayaa sharraxaad ka bixiyay muhiimada ay leedahay in Al Shabaab laga saaro Degmada Aadan Yabaal maadaama uu sheegay in arrintan ay culeys ku noqotay Maamulkiisa.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Laftagareen ayaa sheegay in Kooxda Al Shabaab aan la dhayalsan karin, isagoona ammaan u jeediyay Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa maamulkiisa oo dhowaan fashilayay weerar ay ku soo qaadeen duleedka Magaalada Baydhabo.
Weerarkaasi ayuu sheegay in Al Shabaab cashar loogu dhigay, islamarkaana looga dilay dhowr dagaal yahan, kuwaasi oo meydadkooda lagu soo bandhigay fagaare ku yaalla Magaalada Baydhabo, wuxuuna ballan qaaday in ay sii wadi doonaan beegsiga Al Shabaab.
Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida la sheegay madaxda dowlad goboleedyada kala tashaday gogosha uu dhowaan u fidiyay saamileyda siyaasadda iyo ururrada bulshada rayidka.
Gogoshan ayaa ujeedkeedu yahay sidii loo gorfeyn la’haa xaalada amni ee dalka, dagaalka Ciidanka Xoogga Dalka ee Al Shabaab iyo sidii gacanta Dowladda loogu soo celin la’haa degaanada ay haatan maamulayaan Kooxda Al Shabaab.
Xaaladda amni ee dalka ayaa u muuqata mid ka sii dareysa maalinba maalinta ka dambeysa, iyadoo Kooxda Al Shabaab ay kordhiyeen weeerarada ay ku qaadayaan xaruma Ciidan ee ku yaalla Gobollada Hiiraan iyo Sh.Dhexe, taasi oo walaac iyo hadal heyn ballaaran ka abuurtay Magaalada Muqdisho.