Weerarka ayaa la sheegay in kooxdu ay ku bilaawday qaraxyo, kadibna uu xigay dagaal fool ka fool ah oo labada dhinac halkaas ku dhexmaray, kaaso la isku adeegsanaayay hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalka ayaa lasoo wariyay inuu geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, hayeeshee wali si rasmi ah looma oga inta uu dhan yahay khasaaraha dhab ah ee dagaalka.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Fedaraalka oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Dagaalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo kooxda Al-shabaab mudooyinkii lasoo dhaafay ay si weyn u kordhiyeen weerarada ay ku qaadayaan fariisimaha ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaano iyo degmooyin ku yaala gobolada bartamaha iyo Koonfurta dalka.