Kooxda Al Shabaab , ayaa maalmo kahor weerar xooggan oo ku bilowday qaraxyo iyo weerar toos ah waxa ay ku qaadeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxa ayna kooxda sanado kaddib si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmadaasi.
Weerarka lagu qaaday degmada Aadan Yabaal , ayaa sababay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ee ciidanka dowladda iyo Al Shabaab soo kala gaaray, waxaana jira askar iyo saraakiil ilaa hadda nolol iyo geeri lagu layahay.
Dadka nolol iyo geeri lagu la’aa waxaa kamid ahaa taliyihii ururka 87 ee Guutada 77 Ismaaciil Ciise Maxamuud Tuuryare, taliyahan ayaana warkiisa la waayay saacado kaddib markii uu werarku dhacay, waxaana ugu dambeyn hadda la xaqiijiyay in uu geeriyooday taliyaha.
Xubno katirsan ehelada sargaalkan , ayaana sheegay in uu ku geeriyooday weerarkii Al Shabaab kusoo qaadeen degmada Aadan Yabaal, waxa ayna xuseen in taliyaha iyo ciidamo la joogay in muddo la dagaallameen kooxda Al Shabaab , sidaasna markii dambe lagu dilay, sida uu xaqiijiyay Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda Gobalka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad-Ale (Ibraahim Dheere
Kooxda Al Shabaab , ayaa markii hore la sheegay in nolol ku qabteen taliye Ismaaciil Tuuryare iyo qaar kamid ah ciidankiisa, balse warkaasi wali lama xaqiijin, mana soo bandhigin kooxda Al Shabaab muuqaalada iyo sawirada taliyaha iyo ciidankiisa ee lagu dilay Aadan Yabaal.
Qoraal ka soo baxay Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda Gobalka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad-Ale (Ibraahim Dheere ayaa u qornaa sidan:-