Doon siday Hub oo lagu burburiyay xeebaha Dalka Soomaaliya

4

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni aan calan wadan iyo dooni kale oo yar oo taageero siinaysay.

War kasoo baxay AFRICOM ayaa xaqiijiyay in hubkaasi loogu talagalay kooxda Al-Shabaab, isagoo la sheegay inuu khatar weyn ku ahaa amniga Soomaaliya iyo xasiloonida guud ee gobolka, gaar ahaan saaxiibada caalamiga ah ee gacan siinaya dadaallada nabad-dhisidda Soomaaliya.

Warbixintan laguma sheegin goobta lagu beegsaday doonyahan hubka u siday kooxda Alshabaab.

Qiimeyn hordhac ah oo la sameeyay ayaa muujisay in dhammaan kooxdii saarnaa labada doonyood lagu dilay duqeyntaas, iyadoo aan wax khasaare ah kasoo gaarin shacabka Soomaaliyeed.

Taliska AFRICOM ayaa hoosta ka xarriiqay in howlgalka lagu beegsaday bartilmaameed sax ah oo muhiim u ahaa horjoogsiga shabakadaha hubka iyo taageerada kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya ka dagaalama.

Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay howlgalkan, iyadoo sheegtay inuu qeyb ka yahay dadaalada lagula dagaalamayo kooxaha Argigixisada.