In ka badanĀ 6 saacadood ayaa weli waxaa uu dagaal culus uu ka socdaa Degmada Aadan Yabaal ee gobolka shabeellaha dhexe, kadib markii saaka maleeshiyaadka Al-shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ay halkaasi ku qaadeen.
Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa saddex jiho ah ka weerareen degmada Aadan Yabaal, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo Al-shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in dhinacyada dagaalamaya uu soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoona la soo werinayo xubno badan oo ka tirsan maleeshiyaadka lagu dilay dagaalka, inkastoo tiro koob sax ah aan weli laga helin, maadaama dagaalka uu sii xoogeystay.
Ciidamo gurmad ah ayaa gaaray degmada Aadan Yabaal, kuwaasi oo ku biiray dagaalka culus ee weli ka socda degmada.
Dowladda Soomaaliya, ayaan wali ka hadlin weerarkan xooggan ee Al Shabaab kusoo qaadeen degmada Aadan Yabaal, waxa uuna weerarkan maanta imaanayaa xilli dowladda Soomaaliya isku diyaarineysay in weerar ku qaadaan deegaano iyo degmooyin kale oo Al Shabaab heesteen.
Aadan Yabaal ayaa kamid ah degmooyinka waa wayn ee saddex sanno ka hor laga xoreeyay Al-shabaab, iyada oo u ahayd saldhigga ugu weyn ee Shabeellaha Dhexe.